Maxay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen Soomaaliya iyo Somaliland?

0
358

Waxaa xalay caasimadda Jabuuti is-afgarad hordhac ah ku kala saxiixday guddiyada farsamo ee wadahadallada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ku kala metalayay.

Dhinacyada ayaa maalmahan isku mari la’aa qodobo xasaasi ah taasoo keentay in heshiis rasmi ah uu kasoo bixi waayo wadahadallada.

Waxaana lagu heshiiyay shan qodob.

1.Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

2.Sidii dib loogu dhisi lahaa kalsoonida labada dhinac.

3.Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyay ee aan la hirgelin sida maalgelinta dhaqaale iyo gargaarada banii’aadanimo.

4.Waxay labada dhinaca soo saareen guddi ka wadahadli doono arrimaha hawada.

5.Waxay labada dhinac soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqeyn doono arrimaha nabadgelyada.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u akhriyay qodobada ay dhinacyada isku afgarteen.

BBC