Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

0
323

Waxaa goordhaw jugta qarax si weyn looga mqlay qeybo badan oo kuyaala magaalada Muqdisho uu ka dhacay agagaarka Dugsi sare Banaadir oo ku dhaw Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad.

Qaraxa oo loo maleenayo in uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida aan wararka ku helnay ka dhacay jid cadde aagaasi kuyaala, lamana oga ilaa hada cida lala eegtay qaraxaasi .

Dad ka agdhawaa goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay si weyn u maqleen jugta qaraxa, waxaana wararka ana heleyno sheegayaan in qaraxaasi ku dhaawacmeen labo qof oo mooto bajaaj saarnaa.

Saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo qaraxan kasoo saareen saraakiisha ciidanka iyo maamulka degmada Hodan.

Allbanaadir