Goodax Barre:”Waa Been Abuur Muuqaalka Baraha Bulshada lagu baahiyay.”

0
346

Wasiirka Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka hadlay muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay kaasoo ay ka muuqanayeen arday imtixaan ku jirta oo aan cidna ilaalineyn isla markaana si wadajir ah uga jawaabaya su’aalaha.

Cabdulaahi Goodax Baree ayaa ku tilmaamay muuqaalka mid been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay laguna khal-khal gelinayo imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare,

“Muuqaalka waa mid lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.”ayuu sii raaciyay wasiir Goodax.

Wasiir Goodax ayaa ka codsaday dhammaan ummadda Soomaaliyeed in aysan dhag uraaricin muuqaalkaas,ayna wasaarada waxbarashadu baaritaan ku sameynayso ciddii ka dambeysay.

Waxaa maanta la soo gaba-gabeynayaa imtixaanka shahaadiga ah fasalka 12-aad ee dugsiyada sare, kaas oo todobaadkan u fariisteen in ka badan 34,000 oo arday.

Jowhar