Axmed Madoobe iyo Siyaasiyiin la socotay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Garawe

0
303

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland gaaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ay wehliyaan siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga uu Axmed Madoobe hogaaminayay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo masuuliyiin kale oo katirsan Jubbalabd.

Wafdigan uu Hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe ay ku jiraan Senataro, Xildhibaano katirsan golaha Shacabka iyo Siyaasiyiin kale ayaa loo galbiyay qasriga Madaxtooyada Puntland halkaas oo kulamo kulan qaadan doonaan Madaxweyne Deni.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland oon ka qeyb galin shirkii Dhuusomareeb sidoo kale kasoo horjeestay heshiiskii magaaladaasi lagu gaaray ayaa yeelanaya shirar ay uga arinsanayaan doorashada dalka  iyo cadaadiska uga imaanaya Beesha Caalamka.

Allbanaadir