Cumar Filish oo albaabada ka xirtay qaar ka mid ah Masuuliyiinta degmooyinka Muqdisho

0
345

Wada shaqeyn xumo iyo iska warqab la’aan ayaa soo kala dhex gashay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Max’uud Filish iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay allbanaadir Online.

Arrintan ayay wararku sheegayaan iney ka dhalatay ka dib markii Guddoomiye Cumar Filish uu albaabada ka xirtay inta badan gudoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo arrintan ay curyaamisay howlihii shaqo ee maamulka gobolka Banaadir uu ka waday caasimada dalka.

Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay iney dhibaato xooggan ku qabaan la kulanka Cumar Filish marka ay ugu tagaan xarunta dowladda hoose ka dib markii uu xogheynadiisa gaarka ah ku amray ineysan cidna soo gudbin karin.

“Dhowr guddoomiye degmo oo kaliya ayaa loo ogol yahay iney la kulmaan Cumar Filish, kuwaasoo isaga la leh xiriir gaar ah, ma garaneyno sabab kuwa kale aan loola kulmeynin” ayuu yiri Howlwadeen ka tirsan xarunta dowlada hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gudoomiye Cumar Filish ay aad u kooban tahay saacadaha uu joogo xafiiskiisa ku yaalla xarunta dowlada hoose, mararka qaarkoodna uusan iman xafiiska dhowr maalmood oo isxigta.

Sababta ka dambeysa arrintan si rasmi ah looma oga balse wararka qaarkood ayaa sheegayaan iney la xiriirto shaki xoog leh & baqdin uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir ka qabo amnigiisa marka uu joogo xarunta dowlada hoose, uusana jecleyn inuu qaabilaad badan sameeyo mudada kooban ee uu joogo.

Cumar Filish ayaa markii uu xilka qabtay sanad ka hor soo rogay amaro culus oo sheegaya in dib u habeyn lagu sameeyo shaqaalaha gobolka Banaadir, lana mariyo nidaam adag oo lagu xaqiijinayo ineysan xiriir la laheyn Al-shabaab.

Inkastoo shaqaalaha gobolka Banaadir la mariyey nidaamka xaqiijinta, qaarkoodna lagu qasbay iney keenaan xildhibaano iyo dad magac leh oo damiin ka noqda, haddana Gudoomiye Cumar Filish weli waxaa la sheegay inuusan kalsooni buuxda ku qabin amniga xarunta dowlada hoose, isagoo ka cabsi qaba in lagu dilo shirqool la mid ah kii sanadkii hore lagu qaarajiyey Gudoomiyihii xilka kaga horeeyey marxuum Ing. Yariisow iyo xubno kale oo ku dhintay qarax la sheegay iney fulisay haweeney arraga naafo ka ah oo ka tirsaneyd xarunta gobolka Banaadir.

Allbanaadir