Maxaa hortaagan magacaabidda Ra’iisul Wasaare cusub?

0
332

Muddo bil ka badan ayaa laga joogaa markii baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaarihii hore, Xassan Cali Kheyre.

Kheyre oo xil ka qaadistii lagu sameeyay ku tilmaamay shraci darro ayaa sheegay inuu “iscasilay”, waxaase wali muddo bil ah ka dib ilaa iyo hadda aan lasoo magacaabin qofkii badeli lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sii socoshada hawlaha xukuumadda u magacaabay Mahdi Guuleed oo hadda ah kusimaha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka, inkastoo isaga iyo golaha wasiirrada ay kamid ahaayeen xukuumaddii uu baarlamaanka kalsoonida kala noqday.

Hasyeeshee, muddadaas dad badan waxaa ay aad uga dhursugayeen shakhsiga loo magacaabi doono xilka, waxaana jira dad aad loo hadal hayay, balse hadda waxaa muuqata in magacaabista ay qaadatay mudo ka badan xilligii la filayay.

Maxay yihiin caqabadaha laga yaabo inay hor taagan yihiin magacaabista Ra’iisul Wasaaraha?

Inkastoo aysan jirin muddo cayiman oo dastuurka kumeel gaarka ah ku qoran, oo ay tahay in madaxweynaha uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaare, haddana dhaqanka siyaasadeed e soo jireenka ah waxa uu ahaa in madaxweynaha uu muddo bil gudaheed ah ku magacaabo madaxa xukuumadda.

Taas ma aysan dhicin oo muddo ka badan bil ayaa hadda laga joogaa markii Kheyre la riday, waxaana dadka qaar ay isweydiinayaan sababta uu madaxweynaha usoo magacaabi la’ yahay wasiirka koowaad ee soo dhisi lahaa gole wasiirro oo cusub.

“Madaxweynaha waxaa ku ag hareereysan dad badan oo saaxiibbadiis ah, xogaha hadda la hayo waxaa kamid ah in dadkaas badan aysan isku aragti ka ahayn qofka la magacaabayo, kaasina waa qodob kamid ah waxyaabaha dib u dhigaya magacaabista ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo jira in qabaa’illo badan ay daneynayaan xilkaas, madaxweynahana uu wadatashi ballaaran ka smaeynayo arrintaas”, sidaas waxaa ku doodaya Cabdullaahi Cismaan, oo wax ka qora arrimaha siyaasadda.

Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “in madaxweynaha uu damac siyaasadeed ku jiro, culeyska siyaasadeed ee uga imanaya mucaaradkana uu doonayo in uu isaga qanciyo, balse waxaa muuqata in aysan mucaaradka isku aragti ka ahayn arrimahaas”.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo xallintooda ee salka ku haya doorashada soo socota ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay habsaanka soo xulista ra’iisul wasaaraha xiga.

Inta badan sida la arkay sanadihii dambe waxaa xilliyada kala guurka is-qabta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha xilka haya, maadaama sida dhacdaba shaksi walba laga yaabo in uu ku jiro damac siyaasadeed, waxaase Cabdullaahi uu aamnisan yahay in dib u dhaca magacabaida ra’iisul wasaarahana aysan arrintaas ka marneyn.

“Waxaa laga yaabaa in madaxweynaha uu ka fikirayo in uu helo ra’iisul wasaare uusan damac doorasho ku jirin, kana shaqeeya sidii uu madaxweynaha usoo laaban lahaa, maadaama madaxweynaha uu ku jiro damac siyaasadeed oo ah in dib loo soo dorto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu wadahadal Dhusamareeb uga socday qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, kuwaas oo isku waafaqay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelaneyso, waxaase qodobbadii kasoo baxay ka biya diiday maamulada Puntland iyo Jubaland oo aanan ka qeybgelin shirkaas.

Madaxda labada maamul ee Puntland iyo Jubaland oo ku shiray magaalada Garoowe ayaa sheegay inay tagayaan Muqdisho, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, waxaase dadka darsa arrimaha siyaasadda ay aaminsan yihiin in dhameystirka heshiiska doorashada ay qeyb ka tahay magacaabista ra’iisul wasaaraha.

“Waxaa jirta in madaxweynaha uu rabo in go’aanka kama dambeysta ah ee arrimaha doorashooyinka uu isaga la galo maamul goboleedyada, kadibna uu ra’iisul wasaaraha imaan doona fuliyo heshiiskaas oo keliya, taasina waxa ay keeneysaa in uusan carqalad ku noqonin heshiis walba oo uu madaxweynaha damacsan yahay,” ayuu yiri Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

Wuxuu intaa ku daray “in madaxweynaha uusan dooneynin inuu lumiyo qaar kamid saaxiibadiisa siyaasadeed, haddiise go’aan laga gaaro doorashada uu magacaabi karo, maadaama aysan waxba ku jabneyn”.

BBC