Qoor-Qoor Oo Sheegay In Shirka Dhuusamareeb Uu Beri Qabsoomayo

0
290

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Galmudug, kaddib socdaal hawleed oo qaatay labo isbuuc ah oo uu kaga maqnaa deegaannada Galmudug.

Qoor-Qoor oo hadal kooban siiyey warbaahinta ayaa sheegay in shirka Dhuusamareb 3 uu qabsoomi doono waqtigii loo asteeyey, ayna diyaar u yihiin marti gelinta shirka.

Sidoo kale wuxuu faray laamaha amniga inay adkeeyaan amniga, iskuna diyaariyaan shirkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo beri ay ku beegan tahay 15- August oo ah xilliga lagu ballamay wejiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb, mana jiro illaa iyo hadda hal mas’uul oo gaaray magaaladaasi,marka laga tego MadaxweyneQoor-Qoor.

Radio shabelle