Madaxweyne Qoor-qoor oo soo gebagebeeyey safarkii uu ku joogay Jabuuti

0
303

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Kaariye (Qoor-qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Max’ed Nur Gacal, xubno ka tirsan labadda gole, Hawl-wadeenada Madaxtooyada iyo qeybaha bulshada.

Socdaalka Madaxweynuhu ku tegay Dalka Jabuuti oo la xiriiray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan dhanka Dekadaha ayaa ku soo idlaaday guul iyo is-afgarad.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Dekadaha Jabuuti iney ka taageeraan dhismaha iyo Farsamada Dekadda Hobyo oo dhawaan la filayo in la ambaqaado, taasoo masuuliyiinta reer jabuuti ay ka aqbaleen.

Allbanaadir