Jadwalka doorashada oo qarka u saaran dib u dhicii u horreeyey iyo is-eedeyn dhinacyada ah oo bilaabatay

0
7968

Jadwalka doorashada Soomaaliya ee ay isku raaceen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa qarka u saaran inuu ku yimaado dib u dhacii ugu horreeyey, haddii aanay wax isbedelin labada maalmood ee soo socda.

Jadwalka lagu heshiiyey ayaa waxaa ugu horreeyey in lasoo magacaabo guddiyada doorashada heer federal iyo heer gobol iyo guddiga xalinta khilaafaadyada, ka hor 20-ka October, oo ay ka hartay kaliya maanta iyo berri.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa diidan in guddiyada lasoo magacaabo, hase yeeshee waxay u muuqataa in dowladda federaalka ay ku eedeyneyso dowlad goboleedyada inay dhankooda wax ka socon la’yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laba maalin ka qoraal loogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Dhinaca kale, waxaa weli jirta is-aaminaad la’aan labada dhinac ah, gaar ahaan dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, kadib markii Axmed Madoobe uu dalbaday in ciidamada dowladda laga saaro Gedo, balse aan warkiisa la dhageysan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa waxaa xusid mudan inuusan weli dhisi xukuumaddii dalka gelin lahayd doorasho, mana cadda sababta dalka uu xukuumad xil-gaarsiin ah u lugo xiran yihiin 85 maalmood.

Hadddii aanay wax isbedellin maanta ama berri, waxaa iman doonaa dib u dhicii ugu horreeyey, taasi oo shaki weyn gelineysaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhici karto.

Caasimada