Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Tigray

0
389

Waa ay adagtahay in la xaqiijiyo wararka kala duwan ee kasoo baxaya gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray halkaas oo uu dagaal ku dhexmaray ciidamada maamulka iyo kuwa federaalka.

Balse wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay inay la xiriirtay saraakiil militari kuwaas oo u sheegay in tiro dad ah ay ku dhinteen dagaalka.

Waxay soo xigatay saraakiil militeri oo ku sugan gobolka Amxaarada oo deris la ah Tigray, kuwaas u sheegay in 500 oo ka tirsan dagaalyahanada Tigray lagu dilay dagaalka.

Halka ilo wareedyo kale ay sheegayaan in boqolaal kamid ah ciidamada federaalka lagu dilay halkaas xilli ay difaacayeen saldhig militari oo ku yaalla Tigray.

Wakaaladda wararka ee Reuters ma aysan xaqiijin tirada dhimashada ee weerarkaas.

Dhanka kale, weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo ku sugan gobolka Tigray ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in magaalada Dansha oo dhacda galbeedka Tigray ay la wareegeen ciidamada federaalka.

BBC