Dowlada Sacuudiga oo gargaar Boqolaal tan gaaraya ugu deeqday Soomaaliya

0
304

Heyadda gargaarka bani’aadam-nimada Boqor  Salmaan iyo heyadda Kaalmada Sacuudiga ayaa billaabay mashruuc ay ugu qeybineyso dadka ku nool Soomaaliya 300 tan oo timir ah.

Illaa 122,500 oo Soomaali ah oo ku nool gobolka Benaadir gaar ahaan xeryaha barakacayaasha ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan barnaamijka gargaarka Sacuudiga.

Mashruuca waxaa lagu daahfuray iyadoo lala kaashanayo xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya Khadiija Diiriye ayaa uga mahad celisay Boqorka Salmaan iyo Dhaxal sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan taageeradda ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray munaasabad lagu daahfurayay mashruucan, oo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa bogaadiyay gargaarka ee ay bixineyso dowlada Sacuudiga.

Allbanaadir