Kulan Jabuuti ku dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

0
278

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah oo is wareysi kula yeeshay magaalada Jabuuti Ra’isul Wasaaraha dowlada Itoobiya Abiy Axmed .

Kulanka labada Masuul dhax maray ayaa ahaa mid ay uga wada hadleen arimo dhoor ah ay kamid yihiin xaaladaihii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay iyo sidii loo xoojin lahaa Wadajirka Ururka IGAD.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitterka ku leeyahay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayuu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Madaxweyne Farmaajo ayna iska wareesteen xaaladaha gobolka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saaruin kulankan magaalada Jabuuti ku dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, waxaana la filayaa Farmaajo in sidoo kale la kulmo qaar kamid ah madaxda shirka IGAD ka qeyb galeysa.

Allbanaadir