Madaxweyne Farmaajo oo Casumay Xildhibaanada iyo Gudoonka Barlamaanka Galmudug

0
290

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Muqdisho ku sugan.

Kulanka Casho sharafta waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Gudoonka iyo xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay casho sharafta ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed dalka iyo sidoo kale isbadala waa weyn ee xiligan ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.