Mamnuucidda safarka ee Trump: ‘Ugu dambeyn waan arki doonaa wiilasheyda’

0
350

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday Trump isla markaana sida aadka ah loogu kala qeybsamay waa mamnuucidda safarka ee lagu soo rogay dad ka soo jeeda dalalka qaar oo uu sheegay inay khatar ammaan ku yihiin Mareyanka. Joe Biden ayaa ballan qaaday inay tani noqoneyso mid ka mid ah siyaasadaha ugu horreeya ee uu dib u eegis ku sameyn doono.

Mamnuucidda safarka – oo haatan saameyneysa 13 dal – ayaa dhowr jeer ka badbaadday in la laalo iyadoo sharciga la marayo, balse qoysas badan waxay uga dhigan tahay sanado kala fogaansho ah.

‘Wiilkeyga shalay ayuu shan sano jirsaday. Waynu kala maqneyn tan iyo intii uu dhashay.’

Afgaab Xuseen waa Soomaali wada gawaarida xamuulka kaas oo aan weligiis waqti la qaadan wiilashiisa.

Markii ugu horreysay ee uu u guuray Ohio sanadkii 2015, Afgaab Xuseen wuxuu qorsheeyay in sanadka xigay ay ku soo biirto xaaskiisa oo markaas uur lahayd.

Balse iyada oo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay haatan ku nool yihiin Kenya, waa muwaaddiniin Soomaali ah – Soomaaliyana waa mid ka mid ah dalalka uu saameeyay mamnuucidda safarka.

Tan iyo intii uu tegay Ohio keliya labo booqasho oo gaagaaban ayuu awooday inuu ugu tago qoyskiisa – mana uusan ka qeyb gelin dhalashada labadiisa wiil ee yar.

“Runtii waxay ahaayeen sanado dhib badan. Runtii aad ayay u adkeyd,” ayuu yiri. “Uma maleynayo inaan weligey illaabi doono afartii sano ee ugu dambeysay.”

Xuseen wuxuu shaqeeyaa saacado badan oo ay kelinimo u dheertahay, isaga oo gaari xamuul u kaxeeya 40 gobol oo Mareykanka ka tirsan. Telefoonka ayuu xaaskiisa kala xiriiraa, balse siddeed saacadood oo farqi ah oo u dhaxeeya waxay ka dhigan tahay in saacado ka mid ah maalintiisa ay qoyskiisuna hurdaan oo aysan is haleeli karin.

Wuxuu ka maqnaa inta badan waqtiyadii ugu muhiimsanaa nolosha wiilashiisa: “Shalay waxay ahayd sanad-guuradii shanaad ee dhalashada wiilkeyga – lamana joogin.”

Xuseen wuu ka war qabay in intii uu ololaha ku jiray Biden uu ballan qaaday inuu qaadi doono mamnuucidda safarka 100-ka maalmood ee ugu horreeya marka uu xilka qabo, taas oo uu rajo ka qabo.

Ally Bolour, waa qareen dal ku galka Mareykanka ah kuna sugan California, wuxuu sheegay inuu rajo fiican ka qabo in qoysaskaas ay dib u midoobaan, balse wuxuu qabaa in xitaa kahor mamnuucidda safarka ay dhalinyarada Muslimiinta ah sida Afkaab takoor kala kulmi jireen hannaanka dal ku galka Mareykanka.

“Kahor Trump, xitaa intii lagu guda jiray [xilligii madaxweynihii hore Barack] Obama,” tani way taagneyd, ayuu yiri Mr Bolour.

“Xitaa dadka maraya hannaanka helitaanka dal ku galka muhaajiriinta waxaa mararka qaar lagu sameyn jiray baaritaan qaata sanado haddii ay yihiin Muslimiin, haddii ay yihiin lab, ku jira da` cayiman kana soo jeeda dalalka qaar.

“Waxa uu Donald Trump sameeyay waxay ahayd… waxa ay dowladdu hore u sameyneysay, balse wuxuu ka dhigay mamnuucidda safarka.”

Dadka qaar waxay ku doodaan in mamnuucidda safarka ay tahay tallaabo wax ku ool ah oo wax looga qabanayo argagixisada, balse diidmada dal ku galka waxay sidoo kale saameysay qoysas doonaya inay midoobaan.

‘Ilmo ma dhali lahayn haddii aan ogaan lahaa’

Mina Mahdavi oo ka soo jeedda Campbell, California, waxay hooyadeed ku sugan tahay Iiraan taas oo aan awoodin inay soo booqato wiilka ay ayeeyada u tahay.

Iyada oo lahayd uurka ilmaheedii ugu horreeyay sanadkii 2016, Mina Mahdavi waxay codsatay dal ku galka booqashada si ay hooyadeed uga timaaddo Iiraan. Waxay run ahaantii dooneysay caawinaadda hooyadeed si ay ugu diyaar garowdo ilmaha.

Bil kaddib waxaa xilka qabtay Donald Trump, toddobaadkiisii ugu horreeyayna wuxuu saxiixay wareegto sare oo mamnuucid safarka ku soo rogeysa muwaaddiniinta shan dal oo ay Muslimiin u badan yihiin. Dalalkaas waxaa ku jirtay Iiraan.

“Daqiiqadihii ugu horreeyay [kaddib markii aan warka maqlay] kulligeen waan dafireynay. Waxaanu is niri: ‘Tan ma dhacayso … sharci ayaan halkan ku joogaa, waxay codsaneysaa dal ku galka booqashada.’ Balse hannaanka dal ku galka wuu daba dheeraaday, ilmahayguna wuu dhashay… way adkeyd,” ayay tiri.

Inkastoo codsiga dal ku galka la gudbiyay kahor inta aan lagu dhawaaqin mamnuucidda safarka, waxay qaadatay wax ka badan sanad – kahor intaan ugu dambeyn loo diidin.

Wiilkeedu wuxuu haatan jiraa saddex sano iyo bar, hooyadeedna weli uma suurto gelin inay soo booqato.

Inay koriso dhallaan iyada oo aan caawinaad ka helin hooyadeed ayaa Ms Mahdavi – oo uu ku dhacay qulub marka ay dhashay kaddib – gayeysiiyay inay dareento kelinimo iyo rajo la`aan.

“Waan ku faraxsanahay inaan haysto, wiilkeyga,” ayay intaas ku dartay. “Balse marka aan runta ka hadlo, ma jeclaan lahayn inaan ilmo dhalo haddii aan ogaan lahaa inaysan hooyadey ila joogeyn.”

Waxay awoodday inay booqasho gaaban ku tagto Iiraan, balse safarka ay kaga soo tagtay California wuu dheeraa ilmaheeduna inta badan wuxuu ku dhex oynayay diyaaradda. Waxay ku fekertay sida ay u kala duwanaan lahayd haddii ay hooyadeed ugu imaan lahayd Mareykanka.

Muddo kaddib, way iskala qabsatay inaysan heysan taageerada waalidkeed.

Inkastoo mamnuucidda safarka uu saameynayo dhammaan muwaaddiniinta lagu xusay liiska mamnuucidda, qaarkood ayaa loo oggolaaday dal ku galka iyadoo xaalado gaar ah la eegayo. Balse hooyada Ms Mahdavi waa loo diiday iyadoo aan xaalado gaar ah la eegin.

Brittney Rezaei, oo xeer ilaaliye xuquuqda muhaajiriinta ka ah Golaha Xiriirka Mareykanka ee Islaamka (Cair), ayaa sheegtay in codsashada in macaamiisha loo eego xaalado gaar ah ay ahayd mid caqabaddeeda leh.

” [Dowladda] weligeed war cad kama soo saarin cedda u qalanta in xaalad gaar ah loo eegon… sidaas darteed ma aynaan awoodin inaan hagno macaamiisheenna una sheegno qaabka uu noqon doono hannaanka.”

Kaddib markii ay sameysay wax walba, oo ay xitaa u tagtay Maxkamadda Sare, Ms Mahdavi waxay xaqiiqsatay suuto galnimada ah in mamnuucidda safarka ay sii jireyso ugu yaraan ilaa sanadka 2025.

“Waxaan u heystay in wiilkeyga uu noqon doono siddeed jir kahor inta aysan hooyadey awoodin inay na soo booqato,” ayay tiri. Hadda, waxay ku rajo weyn tahay in hooyadeed ay ugu dambeyn awoodi doonto inay laabta geliso wiilka ay ayeeyada u tahay.

‘Wiilkeyga gebi ahaanba ma haysto dhaqankiisa’

Gulnara Niaz, waa sawir qaade u dhalatay Kyrgyzstan kuna nool magaalada Boston, waxay sheegtay inay dooneyso in waalidkeed ay wiilkeeda ka caawiyaan barashada asalkiisa.

Dalkaasi ku yaalla bartamaha qaaradda Aasiya ee Kyrgyzstan waxaa dalalka la mamnuucay lagu daray bishii January sanadkan, taas oo naxdin ku noqotay Ms Niaz waxayna uga dhigneyd inaysan awoodin inay isku xirto wiilkeeda iyo waalidkeed.

“Gebi ahaanba lama heysto dhaqankeenna ,” ayay tiri. “Xitaa markii uu yaraa, ee uu jiray 12 ama 13, wuxuu igu yiri, ‘Hooyo, ma dareemi kartid sida ay u adag tahay inaad heysato hooyo ku soo barbaarisay. Lama mid tihid hooyooyinka kale.'”

Ms Niaz waxay ku dhex barbaartay bulsho reer miyi ah, baaddiyaha Kyrgyzstan, waxayna isku daydaa in iyada oo Boston ku sugan ay heysato dhaqankeeda – gaar ahaan marka laga hadlayo cuntada. Wiilkeeda, waxay sheegtay, inuu la yaabo marka uu arko iyada oo basal ku beereysa guriga.

“Wax badan ayuu ka baran lahaa dhaqankeenna,” ayay intaas ku dartay. “Wuxuu baran lahaa afka Ruushka, ama xitaa afkiisa hooyo, luqadda Kyrgyz.”

waalidkeed loo oggolaan lahaa inay booqasho ugu tagaan muddo labo bilood ah, waxay ka caawin lahayd inuu fahmo isirkiisa – waxay sheegtay in mamnuucidda safarka ay taasi adkeysay.

Xog dheeraad ah oo la xiriirta mamnuucidda safarka Trump:

  • Xilligii uu ahaa musharraxa madaxtinnimada sanadkii 2016, Mr Trump wuxuu ololihiisa saldhig uga dhigay xayiraado adag oo socdaalka ku saabsan
  • Marka dhinac laga eego, wuxuu wacad ku maray inuu “xayiraad buuxda ku soo rogi doono Muslimiinta galaya Mareykanka,” wuxuu ku dooday in looga gol leeyahay in Mareykanka laga jiro argagixisada
  • Markii ugu horreysay ee uu soo saaray mamnuucidda safarka, waxay sababtay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay garoomada Mareykanka iyo dhowr jeer oo sharciga lala tiigsaday
  • Dadka cambaareeya waxay tilmaameen in inta badan dalalka markii hore la beegsaday ay ahaayeen kuwa ay Muslimiintu ku badan tahay, balse Aqalka Cad ayaa beeniyay in tallaabadaas lagu beegsanayay Muslimiinta
  • Waxaa sidoo kale jirtay cambaareyn ku saabsan hubanti la`aanta sababaha loo xushay dalal gaar ah

BBC