Qarax Ka dhacay Gaalkacayo xilli uu Ra’isulwasaaraha booqanayay

0
285

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee ku yaala Koonfurta magaalada, halkaas oo la sheegay in uu ku wajahnaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hoggaaminaya oo maalmahan booqasho ku joogay deegaanada Galmudug.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaxara uu ka dhacay illinka garoonka ciyaaraha ee Cabdullaahi Ciise, waxaana loo malaynayaa in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu is miidaamiyay.

Wararka waxa ay intaas ku darayaan in shacab iyo askarba ay ku dhinteen qaraxa, balse waa xilli hore in qasaaraha dhabta ah la ogaado.

Qabanqaabada soo dhoweynta waftiga Ra’isulwasaaraha ayaa halkaas ka socotay markii uu qaraxa dhacayay.

Dhowaan ayay ahayd markii qarax uu ka dhacay Gaalkacayo, kaas oo lala eegtay xarun dowladdeed.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay jihooyinka dowladdeed ee kala heerka ah.