Shir xasaasi ah oo madaxda IGAD uga furmaya Jabuuti

0
306

Madaxda urur goboledka IGAD intooda badan ayaa ku sugan magaalada Jabuuti, halkaasi oo maanta uu ka furmayo shir madaxeedka ururkaas.

Madaxda ayaa leh shirar gaar-gaar ah iyadoo la filayo inuu shirku furmo gelinka dambe.

Ilaa haatan waxaa kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itaoobiya Abiy Axmed. Sidoo kale waxaa gaar-gaar u kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Ra’iisul Wasaaraha Sudan Cabdalla Xamduuk.

Weriyaha VOA ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in madaxweynaha Yuganda Yoweri Musaveni uusan weli soo gaadhin dalka Jabuuti.

Madaxda ayaa la filayaa inay ka hadlaan xaaladda u dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, Itoobiya iyo Suudaan iyo qodobo kale.

VOA