Khilaafka Soomaaliya iyo kenya: ‘Jabuuti waxay dhaawacday walaaltinimadeenna’

0
328

Guddiga xaqiiqo raadinta ee bishii December loo xil saaray soo baaridda khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib kullankii IGAD ee Jabuuti, ayaa warbixin ka soo saaray baaritaankooda, kaddib booqasho ay ku tageen labada dal.

Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in aan caddeymo sax ah loo heyn in Kenya ay faragelisay Soomaaliya, sida ay ka cabatay dowladda Soomaaliya, waxayna sababeeyeen qodobbo kale ee ku jira tabashada Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo saakay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warbixinta gudiga.

Sida uu wasiirka sheegay, Soomaaliya inay aad u so dhoweysay guddiga Jabuuti ee loo xil saaray arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, balse ay aad ula fajacday warbixintii ka soo baxday.

“Wax alla wixii ay Soomaaliya dhibsaneysay ee ay sheegatay, guddigii xaqiiqo raadinta ee Jabuuti ka socday waxba kama jiraan ayay ka soo qaadeen,” ayuu yiri.

Maxaa ku xusan warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta?

Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in aysan muuqan wax caddeynaya in Kenya ay faragelin ku heyso Soomaaliya.

“Guddigu wuxuu garwaaqsan yahay in qaar ka mid ah xiisadaha ay soo jireen yihiin, aysanna ahayn kuwo loo adeegsan karo in lagu jaro xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya,” ayey warbaahinta qaar soo xigteen, waana sida ku xusan warbixinta.

“Waa run in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay leedahay go’aanka geyigeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu saameyn ku yeeshay “3,000 oo carruur Soomaaliyeed ah oo wax ka barta dhanka kale ee xadka, iyo howlaha AMISOM”.

Guddiga ayaa kula taliay labada dhinac in ay ka wada shaqeeyaan xal u helidda khilaafkooda.

Arrinta soo abaabulidda ciidanka ee gudaha Kenya iyo Cabdirashiid Janan

Guddiga loo xil saaray xaqiiqo raadinta ee Jabuuti ka socday ayaa warbixintooda uga hadlay qodobka ay Soomaaliya ku andacootay ee ku saabsan “ciidan uu wato Cabdirashiid Janan oo lagu tababarayo ama lagu abaabulayo Kenya”.

“Arrinta ku saabsan abuurista ciidamo, la tababarayo, si joogto ah ugu sugan gudaha Kenya, islamarkaana uu maamulo Cabdirashiid Janan, guddigu waxay xaqiijiyeen in Cabdirashiid Janan uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul goboleedka Jubbaland, ciidankiisuna ay hoos yimaadaan milatariga gobolka.

“Ciidankan waxay guulo waaweyn ka gaadheen la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada AMISOM. Raggoodu waxay noqdeen burcad tan iyo markii ay meesha ka saareen ciidamada milatariga ee federaalka.

“Sidaas awgeed, guddigu wuxuu xaqiijin karaa in maalintii ay booqashada ku tagayeen halkaas ay ciidankan ku arkeen gudaha Soomaaliya. Si loo ilaaliyo amniga ciidankan laga adkaaday, guddigi wuu qarinayaa meesha saxda ah ee ay ku sugan yihiin.”

Qodobka ku xad-gudubka Hawada Soomaaliya

Guddigana yaa warbixintooda ku xusay in ay jirto xaqiiqada ku saabsan in ciidamada Kenya ay isticmaaleen hawada Soomaaliya iyagoo jabinaya amarkii dowladda federaalka ee diyaaradaha oo dhan loogu sheegayay in ay ka caga dhigtaan Muqdisho.

Laakiin waxay raaciyeen in Kenya aysan dambi ku ahayn tallaabada noocaas ah.

“Guddigu wuxuu caddeyn ku filan u helay in diyaaradaha Kenya ay galeen hawada Soomaaliya iyagoo baal maraya heshiiskii arrimaha hawada ee Chicago lagu saxiixay 7-dii bishii December ee sanadkii 1944-kii. Khilaafka kala dhaxeeya mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland awgiis, dowladda federaalka waxay soo saartay amar ay diyaaradaha oo dhan ugu dagayaan Muqdisho. Diyaaradaha Kenya waxay ku dhiirradeen in ay ku xad gudbaan mamnuucistaas oo aan cidna laga reebin, xitaa duullimaadyada ku saabsan arrimaha bani’aadannimada.

“Dacwadda qodobkaas dartiis loogu heysto ciidamada Kenya, oo qeyb ka ah howl-galka AMISOM, guddigu wuxuu u arkaa mid aan marmarsiiyo lahayn oo ka hor imaaneysa hannaanka ciidanka ku howl-galaya magaca AMISOM. Waxay hoos tagaan Midowga Afrika oo ay cidamadiisa dalalka kala duwan ka socda isku shaqo hayaan.”

Dhanka kale guddigu waxay sheegeen in aysan wax caddeyn ah u helin eedeynta Kenya loogu jeediyay in ay si gaar ah u aqoonsan tahay maamulka Jubbaland.

Maxay Soomaaliya ka tiri warbixinta?

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in arrinta ku saabsan tabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay ku soo xad gudubtay hawada Soomaliya, uu taas khaladkeeda saaray Soomaliya.

“Waxay yiraahdeen, Soomaaliya ayaa khaldaneyd oo aan kala reebin diyaaradaha, kuwa xamuulka ah, kuwa dadka qaada, iyo kuwa ciidanka…wax aan loo diran,” ayuu wasiir Dubbe ka sheegay shirka jaraa’id.

Wuxuu intaa ku daray: “Waxay ka hadleen, ciidamada Kenya in aysan imaan dhulka Soomaaliya. Waxay qoreen in arrintu ay tahay mid hore oo Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxaysay ee aysan ahayn arrintan hadda Kenya ee cilaaqaadka loo jaray. Arrin hore uga dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya oo aan badda ahayn ma jirto, arrintaasna mid gef ah oo la khalday ayay ahayd.”

“Waxaa kale oo ay ka hadleen in ciidamada Kenya ee AMISOM qeybta ka ah aysan ka bixin deegaanno muhiim ah oo lagu dhibaateeyay shacabka gobolka Gedo ka dib markii ay ka baxeen, gaar ahaan Buusaar iyo Faafaxdhuun.”

Arrinta kale ee ay ku dhaliilayaan guddiga ayuu wasiirku ku sheegay inay tahay in uu hal dhinac warkooda qaatay. “Way diideen inay tagaan dhulkii Soomaalida, labo jeer ayay Kenya ku noqdeen, Mandheera ayay tageen, waxaa laga baryay Beled Xaawo u soo gudba way diideen,” ayuu yiri, balse guddiga IGAD weli kama aysan jawaabin eedahaas loo jeediyay.

“Markii ay Xamar yimaadeenna way diideen in la kaxeeyo oo Beledxaawo la geeyo. Taas dareen ayay na gelisay markaasba, labada jeer ee ay Kenya ku noqdeen dareen ayay na gelisay, ina hal dhinac warkiisa qaateen oo ah wasiirka Difaaca Kenya, dareen ayay na gelisay,” ayuu sheegay.

Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe wuxuu sheegay in “tan ugu cajiibsan waxay tahay waqtiga lagu soo beegay warbixintu (25-ka January) oo ah markii uu dhacay dagaalka (Beledxaawo).

“Maxaa isku soo beegay 25-ka iyo warbixinta? Waxaan ka fahanna waxay Kenya dooneysay in ay qabsato Gedo sidaasna lagu beri yeelo oo la dhoho Kenya kuma jirin,” ayuu u sheegay saxafiyiintii ka qeybgalay shirkii jaraa’id ee Muqdisho.

“Jabuuti waxay meel uga dhacaysaa walaaltinimadeenna”

Wasiirka ayaa ka hadlay taariikhda walaaltinnimo ee Jabuuti iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in warbixinta ka soo baxday guddiga IGAD ay meel ka dhac ku tahay walaaltinnimada labada dal, ayna habboon tahay in ay raalli-gelin ka bixiyaan.

“Warbixintan wuxuu bar aan tirmin boqol sanadood ku noqonayaa walaalnimada. Kenya ma fara gashaneyso Soomaaliya; micnaheedu waa fara geliya.

“Walaalaheen soo saaray warbixinta waxay dhaawacayaan walaalnimada, waxaanse is leeyahay inay ka noqon doonaan oo ay raalli-gelin ka bixin doonaan,” ayuu yiri.

“Waxaan warbixinta u aragnaa dulmi. Waxaa xun dulmiga kan qofka walaalkaa ah ku dulmo. Nin ku xiga, naxliga kuu gala, naari kugu beer, meel buu kaaga dhacay. Aad baan uga xunnahay arrintaas,” waa sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti weli kama aysan jawaabin eedahaas, mar aan la xiriirnayna way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrinta ay ka hadashay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si kastaba sheegay in Soomaaliya aysan haatan wax xumaan ah u qabin dowladda iyo shacabka Jabuuti.

Maxay Kenya ka tiri?

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Kenya ay soo dhoweyneyso warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee uu magacaabay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Kenya ayaa sheegtay in intii uu guddigu booqashada ku joogay dalkeeda la tusay dhammaan caddeymo beeninaya eedeymaha Soomaaliya ay u soo jeedisay Kenya, isla markaana guddiga laga caawiyay inay booqdaa xadka Kenya iyo Soomaaliya si ay u hubiyaan xaqiiqda halkaas ka jirta.

Waxay Kenya sheegtay in warbixinta guddiga ay xaqiijineyso in eedemaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

“Sidoo kale waxaa in go’aankii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed gu jartay Kenya uu ahaa mid aan loo baahneyn oo saameyn ba’an ku yeeshay muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee Kenya soo magan gala, howlaha AMISOM iyo nolosha muwaadiniinta labada dal.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Kenya.

Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ku dhawaaqday in ay xiriirkii diblamaasiyadeed u jartay Kenya, ka dib xiisadda labada dal u dhaxeeysa oo muddo dheer soo taagnayd.

Waxaa arrintan xuddun u ah Muran dhanka badda ee u dhaxeeya labada dal oo kiiska dacwadda ay gacanta ku hayso maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

BBC