Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan?

0
291

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo maanta kulan kula qaatay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa sheegay sida loogu baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka taagan.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo uu aas-aas u yahay heshiiskii 17-kii September ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweynaha dawladda federaalka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Kulanka James Swan iyo QoorQoor ayaa yimid iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada isku khilaafsan hannaanka loo marayo doorashada oo waqtigeedu maamlinba maalinta ka dambeysa uu isa soo gurayo.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo ay si wadajir ah shir jaraai’d u qabteen isaga iyo madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu sheegay inay ka wadahadleen arrimaha dalka ka taagan.

“Waxaan ka wadahadalnay ahmiyadda ay leedahay in la xalliyo arrimaha hadda taagan si loo helo doorasho sax ah oo Soomaaliya oo dhan ka qabsoonta, markale waxaan ku celinayaa fikirka beesha caalamka oo ah in helo isfaham iyo wada shaqeyn, waxaan madaxda Soomaalida oo dhan ugu baaqayaa inay dedaalkooda geliyaan inay wadahadlaan, si ay u dhacdo doorashada la isku afgartay taas oo salka ku heysaa heshiiskii horay loo gaaray”, ayuu yiri Swan.

Inkastoo ay jiraan arrima kale oo ay ka wadahadleen dhinacyada oo ay kamid tahay horumarinta iyo ammaanka sida iyaguba ay sheegeen, haddana waxaa ugu muhiisanaa xal u helidda khilaafka doorashada.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye ayaa dhankiisa sheegay in arrimaha taagan laga wadahadlay, xalna ay ka rajeynayaan.

“Arrimaha doorashooyinka waa kuwa Soomaalida oo dhan ay wada sugeysay, aadna loo danaynayo , aad ayaa looga wada hadlay, waxaan ka rajeyneynaa in horay loo socdo oo laga baxo arrimhii taagnaa, aad ayaana ugu faraxsanahay shirka iyo jawiga uu inoogu dhacay”, ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye Qoorqoor.

Inkastoo madaxweyne Qoorqoor ay waxyaaba badan ay isku aragti ka yihiin dowladda federaalka, haddana waayihii dambe waxaa uu waday dedaalo uu ku dhexdhexaadinayo mucaaradka iyo qaar kamid ah maamulada Jubaland, kuwaasoo saluugsanaa waxyaaba badan oo la xiriira doorashada.

Ergeyga Xoghayaha Guud ee Soomaaliya, Mr Swan ayaa horay safara noocan oo kale horay ku tegay magaalooyinka Baydhabo iyo Garowe, waxaana kullan noocan oo kale ah balse habka fogaan-aragga ah uu la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, kuwaas oo ay ka wada hadleen ismarin waaga ka taaga doorashooyinka.

Muxuu yahay ismarin waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka?

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo aanan la dhacsaneyn habka ay doorashada u wado dowladda federaalka ayaa sheegay in ilaa iyo inta wax laga qabanayo tabashooyinka ay qabaan aysan magacaabi doonin xubnaha ku matelaya guddiga doorashada.

Labadan maamul ayaa doonaya in dowladda federaalka ay gobolka Gedo ku wareejiso Jubaland, si ay uga dhacdo doorashada.

Qaar kamid ah musharixiinta mucaaradka ayaa iyaguna horay u dalbaday in xubnaha qaar ee ka midka ah guddiga doorashada ee ay dowladda magacawday laga saaro, maadaama sida ay sheegeen ay yihiin shaqaale dowladeed iyo dadkale oo aad ugu dhow dowladda.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dalbanaya in guddiga maamuli doonaa kuraasta Somaliland la ballaariyo oo lagu soo daro guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi.

Inkastoo weli heshiis rasmi aanan laga gaarin arrimaha doorashooyinka, haddana waxaa socda dadaalo lagu xallinayo arrintaas oo ay wadaan beesha caalamka.

BBC