Ciidamada DF oo la wareegay daljirka Dahsoon iyo jidadka Magaalada oo xiran

0
347

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho iyagoo joojiyey socodka gaadiidka, sidoo kale ciidamada ayaa xalay qabsaday taalada daljirka dahsoon oo saaka lagu waday inuu ka dhaco dibed bax ay soo abaabuleen mucaaradka.

Jidadka muhiima ah ee xiran ayaa waxaa ka mid ah Maka Al-mukarama, Buundooyinka, Wadnaha, Soddonka & Warshadaha waxaana illaa xalay ku sugnaa Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka oo wata gaadiidka dagaalka iyo hub kale oo culus

Wadooyinka soo gala taalada daljirka Dahsoon ayey saaka ciidamadu ku jareen gadiid dagaal iyagoo xitaa dadka lugeynaya u diidaya iney gaaraan taalada daljirka iyo nawaaxigeeda, mana jiraan calaamado muujinaya wax dibed bax ah oo socda.

Guud ahaan waxaa degan xaalada magaalada Muqdisho oo xalay saqdii dhexe ay ka dhaceen dagaalo muddo kooban socday, hase ahaatee wax dhaqdhaqaaq ah kama jiro magaalada inkastoo ay Jimce tahay, dadkuna badanaa ay ka nasanayaan howlaha todobaadka iyo waxbarashada

Midowga Musharaxiinta ayaa xalay sheegay inaan la aqbali doonin in maanta xoog lagu baajiyo banaanbixii ay ku baaqeen loona baahan yahay in shacabka loo furo wadooyinka.