Itoobiya oo dhiseysa waddo isku xirta dalalka deriska la ah

0
325

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dhisaneyso waddooyin isku xiraya waddamada dariska la ah  ee Sudan, Kenya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Mashruucan waxaa ku baxaya adduun gaaraya $455.7 million, sida ay sheegtay hay’adda waddooyinka Itoobiya waxaa mashruucan lacagtiisa bixinaya dowladda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa gacan ka geysanaya qarashka ku baxaya dhismaha waddooyinka hay’adda iskaashiga caalamiga ee dalka Japan taas oo la yiraahdo JICA.

Bankiga horumarinta Afrika iyo Bankiga Adduunka ayaa deyn ku kabaya mashruucan.

Waddooyinkan ayaa marka la isku daro waxay noqonayaan 738 kilometers.

Itoobiya waxay sheegtay in talaabadan ay kaalin weyn ka qaadan doonto horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.