Maxaa laga filayaa shirka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee Somaaliya?

0
262

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay ayaa lagu wadaa in kulan ay albaabada u xiran yihiin ay ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaanna khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhamaaday maalin ka hor waxaana taasi ay keentay in qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ku dhawaaqaan in aysan Madaxweyne u aqoonsaneyn Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jibril Cali Aw Maxamed oo ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu xil ka saaran yahay xaaladda dalka si looga hortagga qalalaase kasta oo ka dhasha khilaafka doorashada.

“Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey waxay u taagan yihiin madaxbanaanida waddamada oo aad bey u ixitiraamaan dabcan waxaa dhici kartaa inay ka hortaggayaan wixii keeni kara qalalaase, qas iyo xasiiloni darro….xil baa ka saaran inay la socdaan xaaladda dalka”

“Haatan wey kala war qaadanayaan ma fili doono in uu soo bixi doono qoraal ama bayaan ku saabsan arrintaas waa shir albaabada u xiran yihiin hadduu soo baxana waxay oran doontaa warbixintaas hala qabto doorashadii hala heshiiyo arrimaha amnigana yaan la dayicin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray in waxyaabaha laga filan karo shirka Golaha Ammaanka ay kamid yihiin in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya u diraan baaq ku saabsan in amniga la ilaaliyo inay heshiis ka gaaran khilaafka harreeyay hannaanka doorashada Soomaaliya.

“Tallaabooyinka ugu adag ay Golaha Ammaanka soo saari karaan waa inay dalbadaan in siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda Soomaalida isu yimaadaan miiska wadahadalka wada yimaadaan ay heshiis ka gaaraan arrimaha doorashada, doorashadana sida ugu dhaksiyaha badan ay ku qabsoonto”

“Dhanka amniga in dabcan AMISOM iyo muddo xileedkeedi kordhintiisii loo ballamay inta aan xilliga ka dhammaan mar kale ayaa iyadana la sameyn doonaa”

Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaaday isla markaana ma jiro heshiis siyaasadeed oo illaa iyo iminka laga gaaray oo arrimaha doorashada.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay wadamada taageera Soomaaliya iyo waliba shacabka Soomaliyeed.

“Arrinta waxay u baahan tahay in waddo loo furo, waddooyin sharci ah ayaa jiraa, ha’yado ayuu leedahay dalka, madax buu leeyahay dalka, madaxdiisa iyo ha’yadihiisa iyadoo la isticmaalayo shuruucdiisa la tixgelinayo in dalka waddo loo furo ayaa waajib ah oo laga gudbo marxaladdan cakiran” ayuu yiri Jibril Cali Aw Maxamed.

Siyaasiyiinta taageersan Farmaajo ayaa ku doodaya in uu weli yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda illaa laga helayo shakhsi xilkaas loo doortay oo si rasmi ah jagada ugala wareega.

Waxa ay xiganayaan xeer ay labada gole ee baarlamaanka wadajir u ansixiyeen 26-kii September 2020, kaasoo dhigaya in “hay’adaha dastuuriga ee dowladda ay xilkooda sii hayn doonaa illaa inta laga helayo hay’ado kale oo bedala.

Beesha caalamka waxay madaxda Soomaalida ku boorisay in ay sii wadaan wadaxaajoodyada xalka looga gaarayo hannaanka doorashada, si loo hirgaliyo heshiis la isku wada raacsan yahay.

BBC