Maxaa loogu kala kacay shirkii Dhusamareeb?

0
308

Waxaa xalay fashil iyo natiijo la’aan ku soo dhammaaday shir madaxda dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada Soomaalida uga socday magaalada Dhuusamareeb.

Shirkaasi oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa lagu kala tagay waxaase jirtay in qodobbada qaar xoogaa xal ah laga gaaray, sida ay sheeegtay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur-Galbeed iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ilaa shan maalmood waxay ku sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb halka madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay halkaa yimaadeen maalmo kaddib.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmay Arbacadii dhaweyd, wuxuuna socday ilaa xalay saqdi-dhexe balse nasiib-darro shirkaasi waxaa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Qodobbada la isku mari waayay

Arrinta khilaafka doorashada ee muddada dheer soo jiitamayay ayay ahayd in lagu gorfeeyo oo madaxdaasi ay ka heshiiyaan, waxaana ugu muhiimsanaa muddo xileedka dowladda, muranka gobolka Gedo ee u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, arrinta xildhibaannada gobollada woqooyi iyo tan guddiga doorasha oo uu muran ka taagnaa.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, arrinta guddiga doorashada oo xubnaha ku jira qaarkood ay walaac ka muujiyeen maamul-gobolleedyada qaar ayaa qaab ahaan laga “heshiiyay”.

Balse waxyaabaha la isku hayay waxaa ka mid ah saddex qodob oo markii horeba ka soo qoday heshiiskii madaxda dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay 17-kii Sebteembar 2020 ku gaareen magaalada Muqdisho.

Qodobbadaasi waxaa ka mid ahaa arrinta muranka gobolka Gedo ee dooarshada iyo arrinta xildhibaannada gobollada woqooyi ee Somaliland ee Xamar ka dhaceyso.

Khilaafka gobolka Gedo

Arrinta gobolka Gedo oo ahayd arrinta ugu adag ee caqabadda ku noqotay shirka in heshiis laga gaaro ayaa aakhirkii keentay in lagu kala tago.

Khilaafka gobolkaasi ee u dahxeeyo dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa soo jiitamayay tan iyo doorashadii lagu murmay ee Jubbaland, taa oo dowladda Soomaaliya ay diiday in ay aqoonsato natiijadii ka soo baxday oo ahayd in madaxweynaha haatan xilka haya ee Axmed Madoobe uu ku guuleytay doorashadaasi.

Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa labaduba aragtiyo kala duwan ka qabay qodobkaasi ku saabsan arrinta Gedo. Dowladda federaalka waxay ku adkeysanaysaa in tanaasul badan ay ka sameysay arrintaasi balse dhanka Jubbalnd aan laga hayn wax tanaasul ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cisman Dubbe, oo xalay xilli dambe weriyeyaasha kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda federaalka ay tanaasul uga sameysay arrinta Gedo.

“Waxaa la soo jeediyay, xukuumadduna ay aqbashay…in la sameeyo intaan la sameyn maamul dusha laga keeno, in dib u heshiisiin la sameeyo. Arrintaa maamulka Jubbaland ma ay garwaaqsanin. Waxaa la soo jeediyay in doorashada ay maamulaan oo ay degmada Garbahaarey tagaan ciidamo boolis ah oo ka socda nabad-ilaalinta Amisom, taana waa ay diideen maamulka Jubbaland. Waxaa la soo jeediyay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro gobolka Gedo iyo Garbahaarey, guddigaasi oo ka socda maamul-goboleedyada wasiirradooda arrimaha gudaha, si ay u soo ogaadaan mushkiladda Jubbaland inta ay qodon tahay, magaalooyinka oo dhanna ay tagaan, arrintaana waa ay diideen hoggaankii Jubbaland,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Farageli shisheeye

Wasiir Dubbe waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababtay in la waayo meel arrintaasi looga gudbo. Waxa uu is-mariwaagaasi ku eedeeyay faragelin shisheeye oo uu sheegay in ay gadaal ka riixayaan in aan laga heshiin arrinta gobolka Gedo.

“Waxaa aad loo tuhunsan yahay in arrintu ay dhaafsiisan tahay inta inoo muuqato oo quwado shisheeye ay dabada ka riixayaan arrintani in aysan si fudud u dhammaan. Kana hortaagan yihiin in doorashadu u dhacdo si nabad ah oo isla wada-ogol ah,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu intaa raaciyay in maamulka Jubbaland uu ku adkeystay in “iyadoo aan dib u heshiisiin la sameyn xaaladduna aanay deganayn oo ay doorashadii hore ku qeybsameen in ay hadda maamul geeyaan,” arrintaasi oo uu sheegay in dowladdu ay u aragtay in ay keeneyso iska hor imaad cusub oo isku diraya shacabka Soomaaliyeed.

Haseyeeshee madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaaam (Axmed Mdoobe) oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa mas’uuliyadda burburka ku yimid shirkii Dhuusamareeb uu dusha u saaray madaxweynaha Sooamaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu “isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah.”

Waxa uu sheegay in maamulkiisa uu diyaar u ahay wax kasta oo xal lagu heli karo.

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin dowladda shisheeye ee ay ku tuhmeyso arrintan haseyeeshee dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in jabhad fallaago ah isla markaana dowladda kenya ay hubeysay ay u soo tallowday xuduudka Soomaaliya ayna weerar ku qaaday magaalada Beled-Xaawo.

Hadalkaasi ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor uu dagaal ba’an magaalada Beled-Xaawo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo uu watay wasiirka amniga Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeyso in laga soo abaabulo Kenya.

Dowladda Kenya aaya dhankeeda beenisay eedeymahaasi waxayna sheegtay in colaadda Beled-Xaawo ay tahay wax Soomaalida u dhaxeeya oo aysan iyada ku lug lahayn.

Xildhibaannada gobollada woqooyi

Arrinta kale ee la isku mari wayay muddadii saddexda maalmood ah ee uu shirkaasi socday ayaa waxaa ka mid ah arrinta Somaliland oo ay in badan isku hayeen xukuumadda iyo guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xukuumaddu ay tanaasul ka sameysay arrintaasi oo sida ay sheegay iyada oo “sharci-darro ay tahay” la siiyay Cabdi Xaashi afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee soo xulaya xildhibaannada gobollada woqooyi.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Duube ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu ku gacan seyray afartaasi xubnood ee loo ogolaaday, sidaana la isku mari waayay.

“Xukuumadda waxay ka tanaasushay oo ay u tanaasushay guddigii dhexdhexaadinta iyo odeyaashii madaxweyneyaasha ka ahaa maamul-goboleedyada in Cabdi Xaashi la siiyo afar xubnood oo guddiga doorashooyinka ah oo ka mid ah guddiga doorashada Somaliland… haddana wuu diiday Cabdi Xaashi inuu qaato afar xubnood oo ah 40% xubnaha guddiga doorashooyinka,” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Sida uu sheegay wasiirka, mar haddii la isku mari waayay arrimahaasi waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku taliyay in shir dambe la isugu soo noqdo oo muddadiisa iyo madashiisuba dib laga soo sheegi doono, si wadahadalladu halkaa looga sii wado.

Muddo xileedka madaxweynaha

Fashilka shirkan ayaa ku beegmayo xilli muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay laba maalmood oo kaliya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida uu dastuurka qabo ay ahayd in ay dhacdo 8-da bisha Febraayo ee saandkan, oo ku beegan maalinta Isniinta ah, inkastoo arrintaas aysan hadda muuqanin. Waxaanse xitaa ilaa hadda qabsoomin doorashada baarlamaanka oo sharcigeedu ahaa in ay dhacdo bsihii Diseembartii la soo dhaafay.


BBC