Xukuumadda Somaaliya oo ka hadashay furitaanka shirka Samareeb

0
310

Wararka ka imaanaya magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu wado inuu ka furmo shirka wadatashiga Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa sheegay in ay rajeynayaan wada xaajoodyada ay bilowdaan, kaas oo go’aan loogu gaarayo hannaanka doorashooyinka Qaranka.

“Waxaan rajeynayaa in shirkaan Samareeb 4 uu ayidaad u noqdo Heshiiskii 17-kii September ee lagu gaaray Muqdisho,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Shirka Samareeb ayaa ku saleysan dhaqan gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo shanta madaxweyne maamul goboleed iyo gobolka Banaadir ayaa ku sugan magaalada Samareeb, kuwaas oo shirka qeyb galaya.