Doorashada Soomaaliya: Saddex arrimood oo ay maanta Deni iyo Axmed Madoobe ka sheegeen Muqdisho

0
336

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntalnd Jubalanda ayaa maanta qeyb ka noqday aasaaska Gole lagu magacaabay “Madashada Badbaado Qaran” iyagoo munaasabaddii daah furka ahayd ka sheegay dhowr qodob oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madasha Badbaado Qaran waxaa ku mideysan Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Siyaasadda Somaliland.

Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Muqdisho u tagay kulanka wadatashiga qaran ee aan wali lagu guuleysanin inuu furmo.

Labada madaxweyne ayaa si wadajir ah u sheegay in iyagoo kaashanaya golaha musharraxiinta iyo Golaha siyaasadda ee Somaliland mataka ay ka qeyb qaadan doonaan sidii Soomaaliya ay u gali lahayd doorasho heshiis lagu yahay.

1- dib u noqosho

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Deni, ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono wax walba oo horseedi kara “dib u noqosho.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in dalkoodu uu maanta hiil uga baahan yahay, in la ilaaliyo howshii lasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ee dowlad dhiska Soomaaliya loo soo amaamudayay oo maanta meel laga sii amba qaadi karo joogta. Madashan waa mid u furan cid kasta oo ay u muuqato waxa annaga noo muuqday ee ah oo rabta inay ku darsato sidii dalka looga badbaadin lahaa in uu dib u noqdo,” ayuu yidhi Deni.

2- ‘Qori isu dhiib’

Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka hadlayay munaasabaddii maanta waxa uu eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.

“Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,” ayuu yidhi Deni.

Eedeyntan ayaa qeyb ka ah hadallada ay xubnaha mucaaradka iyo dowlad madaxda dowlad goboleedyada ee kasoo hor jeeda xukuumadda federaalka si joogto ah soo celceliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaase dhankeeda ku adkeysaneysa in ay ku guda jirto hanaanka doorashada.

3- “Cidna ilama soo xiriirin”

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagana munaasabadda furitaanka madaxsha badbaado qaran ka hadlayay ayaa sheegay in wali uusan wax xiriir ah ka helin madaxda dowladda federaalka.

“Caawa ayaa 11 habeen ii ah inta aan magaalada Muqdisho joogo, ma joogtaa iyo ma timid, nimanka mas’uuliyadda sheeganaya ee guddiyo ayaa shiraya leh, xitaa su’aal la isma weydiinin. Inaan joogo iyo inaan… anaa isu jooga anaa isu imid,” ayuu yidhi.

Ilaa hadda laguma guuleysanin in dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ay ku heshiiyaan hannaanka doorashada, iyadoo wali uu khilaaf ka taagan yahay qodobbada qaarkood.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

BBC