Khilaafka Doorashada: Qodobbada ugu muhiimsan ee saldhigga u ah muranka siyaasadeed ee Somaaliya

0
298

Dib u dhaca doorashada Soomaaliya ayaa dalka galisay xaalad hubanti la’aan ah iyadoo xasaradaha siyaasadeed ay wehliyaan arrimo kale oo u baahan xasilooni rasmi ah.

8-dii bishii February ayuu dhammaaday muddo xileedkii dowladda, ilaa haddana laguma heshiinin xilliga ay dhaceyso doorashadii uu ku imaan lahaa maamul cusub, taas oo khalkhal galisay hannaankii ay Soomaaliya dib ugu soo laabatay waddada nabadda.

Arrimaha saldhigga u ah ismari waaya waxaa ka mid ah kala aragti duwanaanta xukuumadda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dhanka kale oo musharraxiinta mucaaradka uu cadaadis ka imaanayo.

Qormadan waxaan ku eegeynaa 4 qodob oo gundhig u ah xasaradda siyaasadeed ee Soomaaliya.

1- Baaqashada kulamada wadahadalka

Dhowr jeer ayey fashilmeen kulamo uu iclaamiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii la isku afgaran waayay arrimo dhowr ah oo ku xeeran goobta lagu shirayo iyo damaanad qaadka natiijada.

Waxaan rajo fiican lahayn qabsoomidda kulan wadahadal qaran ah oo uu Farmaajo ugu baaqay dhinacyada ay isku hayaan arrimaha doorashada, maadaama maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay muujiyeen in aysan diyaar u ahayn.

Haddii uu baaqdo shirkaas wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee burbura inta aan la isku imaanin ka hor.

Madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa shuruudo ku xiray ka qeybgalka shirkaas iyagoo sheegay in ka hor qabsoomidda kulanka ay doonayaan in la fuliyo arrimo ay dalbanayaan oo uu ka mid yahay amniga halka lagu qabanayo shirka.

Suuragal ma tahay in uu shir furmo berito?

“Waxay ila tahay, maadaama aan wali jawaab cad laga heynin ka qeyb galeyaasha shirka ee dhinacyada kala duwan, shaki ayaa ku jira aniga xaggeyga in shirkaasi uu furmi doono, walina ma cadda sida uu ku furmi karo,” ayuu yidhi Dr Shariif Osmaan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda, mar uu maanta BBC-da la hadlay isagoo jooga magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlaya sababta ay dhowr jeer u qabsoomi waayeen shirarka uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqyo ayuu yidhi: “Waxaa meesha ka muuqata in dowlad goboleedyada qaarkood – gaar ahaan Puntland iyo Jubaland – ay qabaan tabasho gaar ah, tabashadaas gaarka ahna aan la isla fahmin sidii lagu dhammeyn lahaa, taasina waxay keentay in shirarkii ay caqabad ku noqoto, iyagoo mar kasta ka cudur daarta shirarka haddii shuruudahooda la fulin waayo.”

Waxay dad badan su’aal iska weydiiyeen sababta madaxweyne Farmaajo uu mar walba shir ugu dhawaaqo iyadoo shirarkii hore ay ku qabsoomi waayeen waqtigii loo asteeyay.

“Maadaama madaxweyne Farmaajo lagu eedeeynayo in uusan doorasho rabin oo uu doonayo in uu maamulkiisa sii wato, taas ayaa ku kallifeysa in uu soo jeediyo in shirar la isugu imaado oo laga wada hadlo doorashada,” ayuu yidhi Dr Shariif.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ku caddeeyay shuruudda ku xiran in uu shirka wadaxaajoodka ka qeyb galo.

Isku day aan u sameynay si aan Madaxweynaha Soomaaliya wax uga weydiinno arrimahan ayaa noo suuragali waayay kaddib markii madaxtooyada ay ka gaabsatay. Ma jiraan sababo rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya ku qeexday shirarka ay mar walba ku dhawaado iyadoo aan laga heshiinin shuruudaha ku xiran.

Wali ma cadda sida xal loogu heli karo isu imaatinka dhinacyada is haya ee suuragali la’.

2- Cadaadiska Musharraxiinta Mucaaradka

Xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharraxiinta ayaa mar kale isku mari waayay heshiis ay isbuucii lasoo dhaafay ku gaareen magaalada Muqdisho kaddib markii siyaasiyiinta dowladda kasoo hor jeeda ay ku adkeysteen in ay mudaharaad sameeyaan.

Mudaharaadka ayaa loo ballansanaa in uu ku qabsoomo muddo 10 cisho ah, iyadoo guddi iskudhaf loo xil saaray ka hor inta aysan dowladdu mar kale shuruudo hor dhigin isu imaatinka dadweynaha.

19-kii bishii lasoo dhaafay ayuu muqdisho ka dhacay qalalaase ka dhashay dibadbax ay Golaha Musharraxiinta iclaamiyeen, kaasoo kusoo gabagaboobay rasaas ay isweydaarsadeen ilaalada siyaasiyiinta iyo ciidanka dowladda federaalka.

Kulankii ay labada dhinac yeesheen ayaa lagu baajiyay mudaharaad kale oo loo ballansanaa 26-kii February. Waxa aysidoo kale dowladdu dhankeeda sheegtay in ay ka xun tahay wixii dhacay 19-kii February, ayna guddi u saartay baadhitaanka mas’uuliyadda rabshadahaas.

Maanta oo Khamiis ah ayuu Muqdisho ka dhacayaa kulan ay dib isugu soo hor fariisanayaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda Mucaaradka, waxaana laga dhur sugayaa qodobbada kasoo bixi doona.

3- Doorashada oo aan lagu heshiinin

Inkastoo muddo dhowr bilood ah ay jiitamayeen wadahadallo ay madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ku yeesheen magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho, haddana ma jirin xal laga qaaray hannaanka doorashada, wali lagu heshiiyay in ay noqoto doorasho dadban.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay waxaa magaalada Bandhabo ku jiray guddi ka kala socday federaalka iyo dowladaha hoos taga, waxaana kasoo baxay qodobbo lagu muujiyay in xal looga gaadhay khilaafka. Hase yeeshee ismariwaaga ayaa u muuqda mid meeshiisii ka sii socday.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay dhinacyadu isku hayaan waxaa ka mid ah guddiga ay madaxtooyada u xulatay fulinta hannaanka doorashada, sida ay u dhaceyso doorashada gobolka Gedo – oo ah qodobka sababay khilaafka Jubaland iyo Federaalka – iyo waliba arrimaha la xiriira doorashada gobollada waqooyi.

Madaxtooyada Puntland ayaa isniintii soo saartay qoraal ay ku canbaareyneyso madaxweyne Farmaajo.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda dadaal xooggan ugu jirta in xal loo helo khilaafkaas, iyadoo doorashada ay maalinba maalinta ka dambeysa xilligeeda kasii daaheyso.

4- Saameynta Covid-19

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa arrimaha sii cakiraya siyaasadda Soomaaliya ku biiray cudurka Covid-19 oo kusoo labokacleeyay Soomaaliya, faro ba’anna ku haya waddanka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Amarro ay dowladda usoo saartay xakameynta cudurkan ayaa hor istaagay rabitaanka madaxda mucaaradka ee ku aaddanaa in ay mudaharaad ballaaran qabtaan.

Mid ka mid ah qodobadii ay dowladda soo saartay ayaa dhigayay “In dadka isugu imaada mudaharaad la fasaxay ay ku khasban yihiin in ay xirtaan maaskaro ayna 2 mitir isu jirsadaan.

Tallaabadaas ayaa loo arkaa mid soo cusbooneysiisay fikir kala duwanaashada xukuumadda iyo mucaaradka oo Khamiistii lasoo dhaafay aad mooddo in ay isu soo dhawaanayeen.

Kulanka ay galinka dambe ee maanta labada dhinac isu imaanayaan ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo xal u noqon kara kala aragti duwanaantaas.

Muddada xil-heynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay ku adkeysatay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

BBC