Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobaleedyada ee dhameystirka Heshiiskii doorashooyinka dalka.