Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay salaadda janaazada AUN Cali Mahdi Maxamed

0
268

Waxaa hadda la soo dejiyay meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah u naxariistee, Cali Mahdi Maxamed, oo arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Kenya ka dib markii laga heley cudurka COVID-19

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ra’isul wasaaraha Soomaaliya, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa salaadda janaazada kula dukaday meydka gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdule.