Mareykanka: “Madaxda maamul goboleedyada waa in wax shuruud ah aysan ku xirin ka qeybgalka shirka”

0
319

War kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu xaqiijiyo in shirka si buuxdo looga qeybgalo si heshiis kama dambeys ah looga gaaro arrimaha doorashada.

Waxaana loogu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay ka qeybgalaan shirka iyagoo aan wax shuruud ah ku xireynin.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maalintii labaad shirka ka maqan iyagoo shuruudo hor dhigay ka qaybgalkooda.

Muqdisho waxaa maalintii labaad galay shir ay leeyihiin madaxda dawladda federaalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaas oo looga hadalayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.