Dowladda UK: Muddo kororsiga: “Waa tallaabo wiiqeyso kalsoonida lagu qabo hoggaanka Somaaliya “

0
266

Dowladda Britain ayaa ka hor timid tallaabadii baarlamaanka Soomaaliya ay ku ansixiyeen in muddo labo sano ah loogu kordhiyo hay’adaha dolwadda ee wakhtigoodu dhamaaday.

Bayaanka kasoo baxay dowladda UK ayaa lagu sheegay “Waxaan ka walaacsanahay go’aanka Golaha Shacabkka ay muddo labo sano ah ugu kordhiyeen muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ha’yadaha dowladda”

Waxay intaas ku dartay in go’aankan uusan horseedeyn in xal laga gaaro ismari-waaga ka dhashay arrimaha doorashada.

“Waxaan gebi ahaanba kasoo horjeednaa dadaal kasta oo lagu qabanayo doorashooyin is-barbar socda ah ama hal dhinac ah ama wax muddo kororsi ah”Quote Message: “Waa tallaabo wiiqeyso kalsoonida lagu qabo hoggaanka Soomaaliya halisna ku ah amniga iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed” from Dowladda UK

“Waa tallaabo wiiqeyso kalsoonida lagu qabo hoggaanka Soomaaliya halisna ku ah amniga iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed”

Dowladda UK

BBC