Wasiirka Amniga XFS oo ka hadlay arimo ku saabsan amniga dalka

0
288

Wasiirka Amniga XFS  Xasan Xundubeey oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn dagaal sokeeye oo ka dhaca dalka,isla markaana shacabka u horseeda burbur iyo barakac.

Wasiirka,ayaa xusay In aysan jirin qorshe dagaal oo dowladda ay dooneyso in ay ku qaado cid gaar ah,isagoo intaa raaciyay in ay jiraan dad k ka shaqeynaya abaabul dagaal Iyo in ay kala furfuraan ciidaamada Qaranka,iyagoo adeegsanaya nidaam qabiil.

Mudane Xasan Xundubeey,waxa uu soo jeediyay in laga waantoobo falalkaasi oo aan dhibaato loo abuurin shacabka nabdoon,isla markaana la ilaaliyo sharciga iyo amniga guud.